Plaatje 1

Tekst 1

Miriam iyo Dennis waxay haystaan ilmo yar

Miriam iyo Dennis way faraxsanyihiin.
Waxay haystaan ilmo yar.
Ilmuhu waxaa uu jiraa dhowr maalmood.
Ilmuhu waxaa lagu magacaabaa Nikki.

Plaatje 2

Tekst 2

Ilmuhu si fiican wax ma u maqlaa?

Nikki si fiican wax ma u maqlaa?
Miriam iyo Dennis waxay doonayaan in ay taa ogaadaan.
Taasi waa muhiim. Haddii Nikki si fiican wax u maqlayo si fiican
ayuu waqti ka dib hadalka u baran karaa
Ma rabtaa in aad ogaato in ilmahaagu si fiican wax u maqlaan?

Plaatje 3

tekst 3

Ilmuhu waxa uu ku dhow yahay usbuuc

Nikki hadda waxa uu ku dhow yahay usbuuc.
Qof ka socda xafiiska daryeelka caafimaadka caruurta (consultatiebureaui) ayaa imanaya guriga Miriam iyo Dennis.
Waxay baarayaan in Nikki si fiican wax u maqlo. Tani waxa lagu magacaabaa baaritaanka maqalka.
Mararka qaarkood baartiaanka maqalka waxa u ku sameeyaan consultatiebureau.
Haddii ilamahaagu muddo dheer isbitaalka ku jiro
Halkaa ayay baaritaanka maqalka lagu sameynayaan
Haddii ilmuhu guriga joogo, marka hore waxaa la sameeyaa baaritaanka maqalka
Markaa ka dibna sarida ciribta
Ka akhri macluumaad dheeri ah warbixinta ku saabsan sarida ciribta.

Plaatje 4

Tekst 4

Maxay sameynayaan baaritaanka maqalka?

Marka baaritaanka maqalka la sameynayo ilmuhu sariirta ayuu jiifaa ama adigaa haya.
Qolku waa shanqar la’aan.
TV ama radiyaha way densanyihiin.
Waalidka ama caruurta way aamusan yihiin.
Qofka dumarka ah waxay wadataa qalab wax lagu cabiro.
Dabool ayay dhegta ilmaha Nikki gelinaysaa.
Wax xanuun ah ma laha.
Daboolka waxaa ka imanaya dhawaaq yar,adiga ma maqlaysid laakiin ilmahu way maqlayaan.
Baartiaanka dhowr daqiiqado ayuu soconayaa.

Plaatje 5

Tekst 5

Ilmuhu si fiican ayuu wax u maqlayaa

Qofka dumarka ah waxaa ay sheegeysaa in laba dhegood si fiican
wax u maqlayaan.
Miriam iyo Dennis way faraxsanyihiin. Baaritaanka maqalka waa uu
dhamaadey.
Inta badan caruurta baaritaanka dhegaha mar keli yah ayuu ku
dhamaadaa.
Haddii baaritaanka hal dheg ama labadaba aanu fiicnayan consultatiebureau
ayaa baaritaanka hal usbuuc ka dib samaynaya haddii
weli baaritaanka aanu fiicnayn mar kale ayaa qof ka socda consultaiebureau
imanayaa oo qalab wax lagu cabiro wata xitaa qalabkan
wax xanuun ah ma laha.
Haddii natiijada baaritaanka aanu fiican macnaheedu ma aha in
ilmahaagu aanay wax maqlayn. Baaritaan dheeri ah markaa waa
muhiim.
Waxaad u tagaysaa takhtar takhasus ku leh.
Qof ka socda consultatiebureau ayaa ballan kuu samaynaya.

Plaatje 6

Tekst 6

Su’aalo?

Miriam iyo Dennis waxay weli qabaan su’aalo.
Waxay weydiinayaa naagta:
“maxaa hadda loo samaynayaa baaritaanka? Ilmuhu weli way yar yihiin?”
Naagtu waxay ku jawaabaysaa:
“haddii ilmuhu aanay si fiican wax u maqal waxaan markiiba eegi karnaa sida
aan ilmahaagu ku caawini karno. Taasi waa muhiim.
Si uu si fiican hadalka u barto waa in uu ilmahaagu si fiican wax u maqlaa.”
Waxay kaloo weydiinayaan:
“hadda maqalka ilmahayna weligii ma fiican yahay?”
Naagta waxay ku jawaabaysaa:
“Sida badan haa. Laakiin waalidku waa in ay taxadaraan .
Haddii aad u malaynayso in ay wax si yihiin markaa u tag takhtarka
Ama consultatiebureau.”

tekst 7

Ma rabtaa intan
wax ka badan in aad
ogaato oo ku saabsan
baaritaanka maqalka
a
ma ku saabasn maqalka
ilmahaaga yar?
U tag consultatiebureau ee xaafadaada
ama ka wac NSDSK, telefoonkan 020-574 59 45
ama eeg internetka www.rivm.nl/gehoorscreening

Tani waa daabacada:
Hay’dda caafimadka dadweynaha iyo degaanka qaranka
Postbus 1 | 3720 BA Bilthoven
www.rivm.nl