Durista ciribta ee cunuga Faarax iyo Xaawa

Plaatje 1

Tekst 1

Amanda iyo Jack waxaa u dhashay canug!

Faarax iyo Xaawa waa faraxsan yihiin.
Maanta cunugooda ayaa dhashay.
Waa gabar.
Waxaa loo bixiyay Sagal
Faarax waxa uu aaday degmada.
Wuxuu sheegay in cunugii uu dhashay.

Plaatje 2

tekst 2

Cunuga dhowr maalmood ayuu jiraa

Hadda cunuga dhowr maalmood ayuu jiraa.
Cunuga markaan waa laga duri karaa ciribta.
Durista ciribta waxaa lagu baaraa cudurrada halista ah.
Durista ciribta ma lagu eego cudurrada oo dhan.

Foto 3

Tekst 3

Sababtee loo duraa ciribta?

Shaqaalaha daryeelka caafimaadku wuxuu dhiig ka qaadayaa canugta yar ee lagu magacaabo Megan si uu u sameeyo baaritaanka dhiigga ciribta laga qaado.
Dhiigaasi waxaa laga baarayaa in Sagal ay qabto cudur halis ah.
Cuduradu waa kuwo dhif iyo naadir ah.
Canugga qaba xanuunka waxaa la siin doonaa daawo ama cunto khaas u ah.
Xaaladaha noocaas ah, waxaa lagama maarmaan ah in daawada si dhakhso ah loo bilaabo.

Waa muhiim in durista ciribta la sameeyo. 
Durista ciribta waa lacag la’aan. Durista ciribta waa si ikhtiyaari ah.
Haddii aadan doonayn in canuggaaga la mariyo baaritaanka dhiigga ciribta laga qaado, fadlan u sheeg bixiyahaaga daryeelka caafimaadka.

foto 4

tekst 4

Yaa sameeyo durista ciribta?

Shaqaale caafimaad oo ka socda rugta caafimaadka well baby ayaa guriga kusoo bookhan doona Amnda iyo Jack.
Iyada ayaa durista ciribta sameyneysa.

Mararka qaar daryeel bixiyuhu wuxuu sii qaban doonaa ballan.
Balse mararka kale ballan la’aan ayeey kalkaalisada caafimaadka gurigaada imaaneysa.

Mararka qaar umulisada ama kalkaalisada umusha ayaa sameeya durista ciribta.
Haddii uu cunugaada cisbitaalka ku jiro, markaa durista ciribta cisbitaalka ayaa sameeynaayo.

Haddii canuggaagu guriga joogo, wuxuu qaadan doonaa baaritaanka awoodda maqalka marka koowaad, waxaana daba socda baaritaanka dhiigga ciribta laga qaadayo, Ogow wax badan oo ku saabsan waraaqda ku saabsan baaritaanka awoodda maqalka.

Foto 5

Tekst 5

Sidee durista ciribta loo qaadayaa?

Kalkaalisada caafimaadka waxay ciribta ka dureysaa cunugta Sagal.
Cagtu waxay bilaabi doontaa in ay xoogaa dhiigto.
Xogaa xanuun ah ayeey leedahay.
Megan waxaa laga yaabaa in ay xoogaa ooydo.

Marka kaarka baaritaanka dhiigga ciribta laga qaado laga buuxiyo dhiigga, kaarka waxaa la dhexgalinayaa bokhshad.
Kalkaalisada caafimaadka sheybaarka ayeey u direysaa.
Halkaasi dhiigga ayaa lagu baarayaa.

Natiijada waa 5 usbuuc gudahood

Wax kasta ma fiican yihiin?

Inta badan natiijada waa mid fiican.
Markaa warqad ayaad heleysaa.
Waxaa la soo diri 5 todobaad gudahood.

Mararka qaar dhiiga si fiican ugama arki karaan in uu cunuga cudur qabo.
Markaa mar kale ayeey durista ciribta sameynayaan.

Haddii natiijada baaritaanku soo baxdo in canuggu xanuun qabo, dhakhtarkaaga ayaa teleefoonka kugula soo xiriiri doona.
Markaa waa in cunugaada cisbitaalka la geeyo si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.
Kaddibna waxaad ogaan doontaa in adiga ama canuggaagu cudurka qabo iyo in kale.

plaatje 6

Tekst 6

Cudur sidé ah, balse aan xanuunsaneyn

Kani waa nooc kamid ah cudurada dhiigga.
Cunuga wax xanuun ah ma hayo.

Baaritaanka dhiigga ciribta laga qaado wuxuu u ogolaanayaa in ay arkaan in canuggaagu cudurka sido iyo in kale.

Haddii aad doonayso in aad ogaato in canuggaagu sido cudurka dhiig la’aanta sickle cell? 
U sheeg taasi kalkaalisada caafimaadka ee durista ciribta sameeyneysa.
Waxaa intaa kaddib laguugu wargalin doonaa haddii in canuggaagu sido xanuunka dhiig la’aanta sickle cell.

Kala tasho umulisadaada ama dhakhtarkaaga wixii macluumaad dheeraad ah.

Plaatje 7

Tekst 7

Caafimaad wanaagsan

Cunug waxa uu qabi karaa cudurro kale ama way ku dhici karaan.
Durista ciribta ma lagu eego cudurrada oo dhan.

Dhakhtarkaada qooyska u tag haddii aad maleyso in cunugaada uusan fiicneeyn.

Plaatje 8

Tekst 8

Maxaa ku dhacaya kaarka baaritaanka dhiigga ciribta laga qaado?

Kaarka waxaa la hayn karaa ilaa 5 sanno kaddib baaritaanka dhiigga ciribta laga qaado
Waxay kaarka iyo macluumaadka canuggaaga u isticmaali karaan cilmibaaris dhanka sayniska ah.
Arintaani waxay noqon doontaa cilmibaaris loola danleeyahay sare u qaadidda baaritaanka dhiigga ciribta laga qaado.
Kaarka iyo xogta waxaa kaliya oo la isticmaali karaa marka aad ogolaato.
Taasina waa sababta shaqaalaha daryeelka caafimaadku ku weydiisan doono ogolaanshahaaga.

Cilmibaaristu waxay u dhici doontaa qaab qarsoodi ah, taasoo micnaheedu yahay in aysan la socon magaca iyo ciwaanka canuggaagu.
Haddii aadan ogolaansho bixin, kaarka waa la tuurayaa 1 sanno kaddib.

Tekst 9

Ma rabtaa in aad wax badan  ka ogaato durista ciribta?
Fadlan bookho www.pns.nl/hielprik ama wixii su’aalo ah oo aad qabto ku hagaaji umulisadaada.

Daabacaddan waxaa soo saaray :
Rijksinstituut voor Volksgezondheid en Milieu
Postbus 1 | 3720 BA Bilthoven

Diisambar 2022